Pages

Tuesday, March 15, 2011

Beesha Jaarso oo Soo Saartay Baaq Taageero oo Ay Ku Taageerayso Degmooyinka Cusub iyo Madax wayne kuxigenada loo Magacaabay DDS















Ujeedo:Baaq Taagero Oo Ku Saabsan Degmooyinka iyo Madax Wayne Ku Xigeenada la Magacaabay.
 

15-3-2011 Anagoo Ah Waxgaradka,Salaadiinta,Culimada,Aqoon Yahanada , Siyaasiyiinta, Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Jaarso Ee Ku Kala Nool Wadanka Gudahiisa iyo Dibadiisaba Waxaan Halkan Taageero,Hambalyo Iyo Bogaadin ugu Diraynaa Horamarka Ay Ku Talaabsadeen Madax Waynaha Dawlada Deegaanka Soomalida Mudane Cabdi M.Cumar iyo Golaha Barlamaanka waxaanan usoo Dhawaynaynaa Si Kal iyo Laab Ah Magacaabistan La Magaacaabay Degmooyinkan Cusub iyo Waliba Sadexda Madax Wayne Ku Xigeen Ee La Magacaabay.

Madaxwaynaha Waxaan Lee Nahay Mudane Madaxwayne Anagoo Ka Dharagsan Sida Wanaagsan Ee Aad Xilkaaga iyo Waajibaadkaaga ugudatid Markasta Taasina Ay Kuu Dheer Tahay Habsami u Socodka Ka Socda Deegaanka Sida Horumarka, ka Shaqaynta Nabad galiyada, Cadalaada iyo Sinaanta umada Deegaanka Ku Nool Horay usii Wad Wanaaagaas Aad umada uhaysid , Anaguna Waxaanu Kuu Balan Qaadaynaa inaan Hiil iyo Hooba Kula Garab istaagno Hadii Aanu Nahay Beesha Jaarso.

Hadaaan Nahay Beesha Jaarso Waxaan Ku Faraxsanahay Soona Dhawaynaynaa Magacaabistan Loo Magacaabay TULI GUULEED inay Noqoto DEGMO Aadbaanan usoo Dhawaynaynaa Mar Labaad Waxaanan uga Mahad Celinaynaa Magacaabistaas Madax Waynaha iyo Xisbiga Dimuquraadiga Shacabka Somaliyed Waxaanan Lee Nahay Noqda Masuuliyiin u Jajaban Shaqadooda islamarkaana Umadooda Wax uqabta Deegaankana Gaadhsiiya Horumar Aad u Balaadhan Waxaanan Lee Nahay Mar Labaaad Ka shaqeeya Horumarka Deeganka iyo La Dagaalanka Qabyaalada,Gaajada,Jaahilnimada iyo Nabadiidka.

Waxaan Allah Ka Baryeenaa inuu idiin Dhib Yareeyo Hawshan Culus Ee Aad umada uhaysiin idinkoo isku Duuban Noqdana Musuuliyiin Ka Fog MUSUQ MASUQA iyo QABYAALADA , Allahana idinka Dhigo Madaxa Sida ugu Wanaagsan uga soo Baxa Shaqadooda


Waxaan Markale Soo Dhawaynaynaa Hadaan Nahay Beel Waynta Jaarso Magacaabista DEGMADA TULI GULED La Ansixiyay inay Degmo Noqoto.

Baaqan Waxaa Si Wada Jir Ah usoo Saaray :
 

1. Suldaan Sheekh Cabdi Dawaro ( Suldaanka Guud )
2. Suldaan Muuse Yuusuf ( Abaaqiyaa )
3. Ugaas Ibraahim Cabdi Cumar ( Ugaas Eelamo )
4. Suldaan Cabdi Aw Aadan ( Qalabjaan)
5. Suldaan Cabdi Faarax Dhameeye
6. Suldaan C/samad Xaaji Aadan ( Darwiish)
7. Suldaan Abdi Axmed Araarso
8. Suldaan Caydaruus Sheekh Abubakar
9. Caaqil C/raxmaan Tukaale
10. Caaqil Mustafe Aw Muxumed
11.Caaqil Fadxi Aadan
12. Caaqil Fuad Axmed Bakaal
13. Dr. Nimcaan Xamare ( Xildhibaan)
14. Dr. Mukhtar Cabdilahi
15. Ing. Abdulwahab Aw Adan
16. Farxaan Awcusmaan ( Duuliye Sare )
17. Sakariye Cabdi Subagle ( Ex Xildhiban)
18. Ugbaad Faras

Afhayeenka isutaga Jaaliyadaha Beesha Jaarso
Ing. Mohammed Abdi
Email:jaarsoyouth@hotmail.com
Wabilaahi Tawfiiq

No comments:

Post a Comment