Pages

Thursday, March 24, 2011

KULAN MAANTA AY ISKUGU YIMAADEEN JAALIYADA JAARSO EE UK‏


24/03/2011 Anagoo ah beel waynta jaarso ee ku nool wadanka uk waxanu hanbalyo udiraynaa dhamaan beel waynta jaarso meelkaste oo ay ka joogaan aduunka dacaladiisa Waxaanu mahadcelin balaadhan oo kal iyo laaba ah udiraynaa dhamaan maamulka dawlada deegaanka ismaamulka soomaalida ethiopia ee uu madaxa ka yahay
Mudane cabdi maxamuud cumar .taas oo katimid markii ay uansixiyeen degmo inay noqoto magaalada tuli guuleed oo 20km ujirta caasimada jigjiga Oo mudo dheer sugaysay arinkaa ,
Waxaanu kaloo halkan aanu uga mahadcelinaynaa dhamaan degmooyinkii kaloo dhan.waxaanu kula dardaarmaynaa dhaman degmooyinka ku soo biiray deegaanka
Inay siwada jir ah uga shaqeeyaan horomarka iyo nabadgaliyada deegaanka ,
Marlabad waxaanu umahadcelinaynaa maamulka dawlada deegaanka ismaamulka soomaalida ethiopia
Mudane madaxwayne cabdi maxamuud cumar. arinkani waa dhaxalgal kuu galay buuga taariikhiyeed ee beel waynta jaarso

ALAA MAHADAA ISKA LEH
BY QALINKII SHARMARKE

No comments:

Post a Comment