Pages

Sunday, May 1, 2011

Kulan Qaas ah oo Dhex Marey Maddaxweynaha DDS iyo Jaaliyadda Beesha Jaarso Ee Wadanka UK




 Kulan balaadhan oo ka dhacey Qasrigga Safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Magaaladda London ayaa waxa uu dhex marey Maddaxweynaha Dawladda Degaanka ismaamulka Somalida Kililka Shanaad iyo Jaaliyadda Qurbo jooga Beesha JAARSO.





Kulankaas oo ahaa mid loo soo agaasimey si aad u qurux badan ayaa waxaa ka soo qeyb galey dad aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha qurba jooga beesha jaarso ee uk mudane sharmarke awxasan sharmarke iyo afhayeenka mudane c/qaadir daa”uud abtidoon iyo gudiga dhaqaalaha oo uu horkacaayo mudane mustafe xaaji c/raxmaan iyo xubno kale oo aad u muhiim ah.



Waxaa kulankaas lagaga hadley arrimo badan oo ay ka mid tahay in Beelweynta Jaarso ay ka hesho xaqeedii Deegaanka ismaamulka Soomaalida wadanka Ethiopia, waxa kale oo ay Beeshu maddaxweynaha uuga mahad celiyeen geedi socodka wanaagsan ee ay dawladiisu waddo sidda magacaabista Degmooyinka cusub ee uu dhawaan magacaabey oo ay ka mid tahay Tuliguuleed oo ay si gaar ah u degan tahay Beeshu.


Dhinaca kale Maddaxweynaha ayaa kulankaas uuga madah celiyey sida fiican ee ay Beeshu uuga soo qeyb gashey, waxana uu si farxad leh u soo dhaweeyey kulankaas isaga oo balan qaadey in uu si buuxda u la shaqeyn doono Masuuliyiinta ugu sareysa beesha gudaha dalka iyo dibadiisaba.


Waxaa kale oo ay iyagguna balan qaadeen in ay si buuxda ula shaqeyn doonaan Dawladda uu maddaxweynaha ka yahay Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Sharmaake Aw Xassan Sharmaake
Gudmooyinaha Qurba jooga Beesha Jaarso UK
Allaa Mahad Leh

No comments:

Post a Comment