Pages

Sunday, May 15, 2011

Baaq Kasoo Baxay Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha JAARSO ee ku Nool North America & Europe



Baaq Kasoo Baxay Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha JAARSO ee ku Nool North America & Europe

Date:  May 15th, 2011


Waa warqad furan oo ku socota  madaxwaynaha DDS mudane Abdi Mohamuud Cumer






Og: xoghayaha xisbiga DDS
Og: Afhayeenka baarlamaankaDDS
Og: xildhibaanada baarlamaanka DDS
Og: waxgaradka iyo shacbiga degaanka soomaaliyeed
Ujeedo:  cadaalad iyo sinaan bay umadi horumar ku gaadhaa
Anagoo ah waxgaradka beesha jaarso ee ku nool waqooyi Ameerika iyo Urub, waxaan salaan sharaf leh oo aad qiima iyo tixgalin mudan u soo tabinaynaa maamulka DDS gaar ahaan madaxwaynaha DDS mudane Abdi Mohamuud Cumar, iyo madaxda kale sida xoghayaha xisbiga DDS iyo afhayeenka baarlamaanka. Mudane madaxwayne waxaan kuugu hambalyaynaynaa guulaha maamulkaagu ka gaadhay dhinaca nabadgalyada deegaanka kaas oo aasaas u ah horumarka deegaanka soomaalida. Waxaan balan qaadaynaa ka qaybgalka horumarinta bulshada, dhismaha iyo xoojinta nabadgalyada deegaanka somaaliyeed.
Mudane madaxwayne,  markaan mudo dheer arimaha beesha jaarso iyo dhibaatooyinka ka xog waraysanay indheergaradka, odayaasha iyo shacabiga beesha jaarso ee ku nool zoonka jijiga (kilil5). Waxaan garawsanay in ay jiraan cabashooyin, kuwaasna waxaan ku rajowaynahay oo kalsooni buuxdana ku qabnaa in xal taariikhi ah ad ka gaadhidoontid.  Nuxurka warqadani waxuu ka koobanyahay hordhac gaaban oo beesha jaarso kaga war bixinayno, maamuladii hore siday beesha u la dhaqmeen, taageerada beeshu u hayso madaxwaynaha sharafta iyo kartida leh ee DDS mudane Cabdi Mohamuud Cumar iyo talo bixin iyo codsi beeshu soo gudbinayso .
An ku bilawno Beesha jaarso waxay ka koobantahay 6 qabiil oo walaala ah oo leh xeer soo jiraaya. Waa umad  tira badan. Waxay ka daggaan dhanka kililka5  degmada jijiga iyo degmada tuliguleed oo dhawaanta loo magacaabay degmo. Shacabka jaarso waa dad beeralay iyo xoolo dhaqato u badan, gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha aad ayey ugu horeeyaan. Sidoo kale waa dad shaqaysta oo muruq maal ah. Waa umad sharciga iyo nidaamka dawliga ee xalaasha ah u hogaansama.  Waa dad nabada jecel oo lagu dhex noolaan karo. Umada jaarso waa dad ka gudbay qabyaalada, haday dhibaato meeli ka dhacdo waxay ku kala baxaan xeerka ay dhigteen ee ka dhexeeya. Waa shacbi guumaysiigii dawlladihii hore ee Etobiya  ay aad u soo guumaysteen marka loo eego soomaalida(qabiilada) kale ismarkaana waxyeelo balaadhani ka soo gaadhay. Sidaas awgeed waa dad garanaya macaanka horiyadu ay leedahay. Waa umad dhaqan iyo dhalashoba soomaalida (qabiilada kale) la wadaaga. Halgan kasta oo soomaaliyeed oo xaquuq raadisa qayb libaax ayey ka soo qaateen.
Hadaba markii isbadalka Etobiyada cusibi inoo dhalatay, 20kii sano ee ismaamulka dawlada deegaanka soomaalidu dhisnaa, maamuladii isaga kala dambeeyey si xaqa ah beesha jaarso loogama qayb galin sida waaxyaha maamulka dawlada deegaanka. Madaxdii hore ee DDS wax tixgalina iyo latashiya marnaba  kalamay xidhiidhin Odayaasha guud ee beesha jaarso wakiilka ka ahaa oo lagu kalsoonaa. Dad gaar ah oo ay samaysteen ayey isticmaali jireen, taas oo ahayd qaybi oo xukun. Wakhtigaas musuqii iyo boobkii ka jiray degaankaas si ay uga faa’iidaystaan shacbiga cadaadis ayey saareen. Xilkii dadkaas iyo deegaankaas ka saarna faraha ayey ka qaadeen. Dhanka kale Madaxdii hore ee maamuladaasi waxay u dhaga nuglaadeen dad umada jaarso nasteex u ahyn isla markaana been an raad lahayn ka fidiya iyagoo adeegsanaya dhaqanka hadhaaga ah (qabyaalada). Sidaas awgeed Umadii jaarso waxay dareentay in xaq daro iyo eexasho maamullkii dawlada deegaanka  kala kulmeen. Wax horumar ah oo degaankooda laga qabtayna jirin. Arintaasi natiijadii aftida meelaha qaarkood ee beesha jaarso diidmo ka muujisay cid wal oo Somali waxgaradi waa ka dharagsanyahay sababtii keentay. Maamuladii wakhtigaas jiray ayaa mas’uul ka ahaa guuldaradaas,oo way kasbanwaayeen shacbigooda.
Maanta beesha jaarso gudaha iyo dibadba waxay ka midaysanyihiin taageerada madaxwaynahan DDS mudane Abdi Mohamuud Cumer markii ay arkeen kartida u ka muujiyey waxkaqabasha arimaha bulsha sida nabadgalyada deegaanka ka qabsoontay iyo maamulka hufan ee habsamida ugu adeegaya shacbigiisa. Beesha jaarso  waxay taageersantahay go’aankii baarlamaanka degaanka soomaaliyeed ku ansixiyey 15 kii degmo iyo sadex madaxwayne kuxigeen. Gaar ahaan waxaan ku faraxsanahay oo an soo dhawaynaynaa tuliguleed oo loo magacaabay degmo.
Dhamaan qurbajoogta iyo shacbiwaynaha jaarso, Odayaashooda, waxgaradkooda, dhalinyaradooda iyo haweenkooduba waxay go’aansadeen in midnimo iyo nabadgalyo xaquuqdooda maqan  ku raadsadaan taas oo loo adeegsanayo sida u qeexo xeerka desdoorka federaalka Etobiya iyo kan deegaanka soomaalida. Ma rabno cid kale ama shacbi kale xaq ayleeyihiin. Sidoo kalena ma ogalin in xaqayaga cid kale loogu deeqo.
Sidaas awgeed waxaan madaxwaynaha DDS mudane cabdi Mohamuud Cumer iyo  madaxda kale ee dawlada ka tirsan  si sharaf ah talo iyo codsiba u soo gudbinaynaa sida hoos ku qoran
  1. Waxaan madaxwaynaha ka codsanaynaa sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah in lala kulmo odayaasha guud, indheergaradka iyo mas’uuliyiinta beesha katirsan kana dhagaystaan warbixino, cabashada soo jiraaga ahayd iyo tala bixin guud.

  1. hadii  loo baahdo waa in loo magacaabo gudi dhexdhexaada  oo xaqiiq raadisa oo soo daristaa cabashada beeshu ay sheeganayso islamarkaana waxay soo arkeen iyo wixii cadayma ah  iyo tala bixintooda cadaalada ku salaysan u soo gudbiyaan madaxwaynaha si loo gaadho go’aan xaq ah.

  1. mudane madaxwayne marxaladan maanta an ku jirno waxaa jira shakhsiyaad damiirkoodu ka dhintay oo qabyaalada ku adeegta isla markaana beerlaxawsi iyo been abuur madaxda iyo maamulka warbixin an jirin  siiya si arimaha ay danaynayaan iyo hadafkooda gaarka ah u gaadhaan. Sidaas awgeed beesha jaarso waxay codsanaysaa in madaxda dawladu si toosa ula xidhiidhaan odayaasha iyo waxgaradka beesha jaarso oo warxumo tashiilka meesha ka baxo, taas ayaa lugu gaadhi karaa bulsho caafimaad qabta iyo horumar leh.

  1. sidaan kor kusoo sheegnay 20kii sano ee an soo dhaafnay wax  horumara oo laga qabtay majiro sida adeega bulshada, waxbarashada, caafimaadka, isgaadhsiinta, nalka iyo wixii la mida. Hadaba mudane madaxwayne waxaan kaa codsanaynaa in mudnaan ad siiso baahidan ka jirta.

Mohammed Omer
Gudoonka waxgaradka iyo odayaasha beesha jaarso ee ku nool waqooyi Ameerika iyo Urub

No comments:

Post a Comment